Editor's note: si walba oo ay wax kuu gaadhaan ama aad isu tusto in ay wax kuu gaadheen isku day in aad lafahaaga xoogga saarto intaad awooddo, isku day in aad dano kale qabsato, in aad faraxsan tahay ayaa aargoosi ugu wanaagsan.

NALA AQRI QORMADAN
  • [Elmi’s Medical Encyclopedia] waa Qaamuus aqooneed mug leh oo la xidhiidha cilmiga daawada ama daawaynta xanuunnada.
  • Qaamuus aqooneedkan caafimaadku waa mid si weyn loogu jeellanaa helitaankiisa. Waayo, waxa baahi weyn loo qabaa fahamka caafimaadka iyo xanuunka.
  • Dr. Cilmi wuxuu aad ugu dedaalay inta karaankiisa ah inuu turxaanbixiyo Qaamuus aqooneedkan sayniska caafimaadka. Guji

MASAYRKU u eg sida mala-awaal iyo awood un ku jiidda tu ka dhabanaysa gudaha ruuxaa kolkaa masayrsan, kolka lagu daro tiiyoo aad aragto in inta badan laga sameeyo maqaallo, riwaayado, sheekooyin sawiran iyo in kale oo lagu daray, kol kol inta ay intiiba soo dhaafto loo rogaa suugaan ay inta badan qaarka xasaradaha daneeyaa ku raaxaystaan.

Kol dhawayd un bay ahayd kolkii ay "Shakira - 45" gabadha quruxda badan lagu sheego ay iska soo gooysay "AARGOOSI" hees un sababteedu ahayd masayr, in badan oo qisaskan masayrku hafiyey la yaalay noloshoodii ayaa qaba in aysan tani wax badan ka duwanayn cambuurkii "Diana, Princess of Wales", iyo tan intaba ka daran ee heesihii "Taylor Swift - 33" iyo "Beyoncé - 41" ee kala-guurka iyo dhagarta.

Bilis-xaawalaydaa oo dhami tan isu keentay ayaa lagu macneeyey doonis biyo kama dhibcaan ah, tiiyoo ay danta oo dhami ay tahay oo keliya aargoosi iyo dhabaan-dhabka karaamadoodii oo sida ay iyagu u haystaan dhulka lagu ridqay, iyagu intaaba waxa ay sabab ogaga dhigeen dhiggoodii jacaylka kabiyey oo intuu imika intiiba dhinac iska dhigay, quful weyna ku jebiyey dariiq walba oo gayeeysiin kara tub ay jacayl dambe wadaagi karaan.

Argoosigaa oo un ka dhashay is-madax mar lagu sababeeyey Masayr, kiiyoo ay u dheertahay quus, caqliga iyo garashadii oo tirma ayaa ay aqoonyahanada cilmi nafsigu qabaan in Aargoosiga ragga ee ka dhasha Masayrku ka daran yahay kaa haweenka.

MASAYRKA RAGGA IYO DUMARKA

Qaar kale ayaa qaba in ay ragga iyo dumarku taa ku kala duwan yihiin, raggu sida badan gacan ka hadal ayeey ku dhamaystaan Aargoosi hadba intii ay u qasdaan, halka dumarku ay qoondeyn iyo qorshe fikrad qota-dheer isu taagaan, tan oo lagu tilmaamay in ay in badan ka halis badan tahay kan ragga.

U GAAR AH SARS-CoV-2 [COVID19]
Dr. Yasin Abdi, DBMS, MSC, BSC, CSCI, FIBMS
[London, United Kingdom]

Walow Kolka sida guud loo dhigo ay raggu ka dirir iyo dagaal badan yihiin ka fal-celinta hadba wixii ay qoonsadaan gaadh ahaan dumarka, dhanka kale kolka ay dumarku kala kulmaan diidmo qayaxan waday ay muddo wada noolaayeen hab-dhaqankeeda ayaa sida ugu badan isugu rogga dirir aan waxba la isu reeban tiiyoo danteeda ugu wayni ay tahay oo keliya aargoosi ay ugu dambaynta ku qanciso lafaheedaa.

Sida ay ku warrameen warbixinno aan fara-yarayn oo xagga "Psychology"-ga ah "Tan ugu adag ee ay haweenku dareemaan kolka kalsoonida ay ku qabaan wadaygaa ay dhumiyaan ayeey ugu yeeraan khiyaano, kolkaas ayuu wiiqmaa [Oxytocin]-kooda oo ah cunsurka kalsoonidaba u asal ah"

Daraasado kale oo isla qadiyadaa laga sameeyey ayaa lagu ogaaday in "Haweenku ay aarsi un isu taagaan kolka ay dareemaan in kalsoonidii ay wadaygaa ku qabeen ay huf iyo hal aan jirin ku intihooto, ragguse ka duwan taa, tu un sabab looga dhigay dareenkii [Oxytocin]-ka ee haweenka oo cirka isku shareera kolka ay kalsoonidoodu dhunto kolka la barbardhigo ragga.

AARGOOSIGA IYO DAREENKAAGA.

Aargoosigu ma dhici kartaa in uu kaa dhigo in aad guul dareento, ama aad ka adkaatay wadaygaagii, in badan ayaa qaba in ay sidaa ahaan lahayd haddii sida "Shakira" uu dhawaqaagu kuu soo jiido dhowr milyan oo doolar, dhanka kale iyo eegiida xagga cadaaladda ma dhici kartaa in aad Aargoosigaa dareento in aad cadow meel fog ogaga soo hadhay oo aad deetana taadii hiijisay oo aad guul la seexato.

Rag badan oo khubaro ah ayaa qaba in "Argoosigu uusan wax wanaag ah lahayn, walow ay jiraan in badan oo labada dhinacba u dhiga, inteena badan aargoosiga dan ayaannu moodnaa, waayo waxa aannu danaynaynaa in aan dhibaato gaadhsiino dhanka kale ee taag-daradda iyo culeyska dareemaya"

NOOCA AARGOOSI

Argoosiga ka dhasha masayr aan loo meel dayin ayaa qayb ahaan loo dhigaa.

  1. La dhaqanka wadaygaaga sida ugu xun adigii oo sabab oga dhigaya in uu si xun kuula dhaqmay sanado dhowr ah oo tagay.
  2. In aad shirqoosho, dhibaato xagga jirka ah u gaysato, adigii oo ku eedaynaya in uu xidhiidh jacayl cid kale la yeeshay.
  3. In aad isaga iyo ubadkiisa kala teedo, iyadii oo aysan jirin dhibaato looga baqayo in uu wax yeelo, oo keliya aad iyaga ka goynayso dhibaato intii aad isaga u martay iyo xidhiidhkiisii jacayl ee uu kaa goostay.

SHAKIRA

"Shakira" oo shan iyo afartan jir heesaa xarga-goostay ah iyo heesteedii tan dadku intooda badani u yaqaanaan "Aargoosi" oo un Masayr sabab looga dhigay kolka laga eego dhanka waqtiga ay la beegsatay iyo kala irdhowgii iyada iyo wadaygeedii ciyaaryahanka weyn ee [Piqué 35].

Sida lagu dhigay inta badan warbaahinta dunida [Shakira] ayaa u dirtay asxaabta 80ka milyan ah ee ay shabakada ku wada xidhiidhsan yihiin fariin ay ku tilmaamaysay in heesteeda [Aargoosi] ay dawaysay intii badnaynd haweenkii raggoodu isaga tagay ee ka xadhig furtay.

[Shakira] ayaa ku dooday in ay doonayso in ay laab-qaboojiso haweenka malaayiinta kor u dhaafay ee ay ku adkaaday in ay wadaygooda si kalsami ah oo aan dhagar iyo kala-irdhoow loo ogayn ula dhaqmaan. tiiyoo hadal haysa "Aargoosi" ayaa ay tidhi "Goor walba iyagu waxa ay noo mujiiyaan in aynaan muhim ahayn, heestaydanna ma ahan mid aniga ii gaadh ah, oo iyadu waxa ay la duuban tahay oo difaacaysaa dareenkii haweenkaa siiyey in ay raggoodii kala irdhoobaan, oo kolkaa ay iska diidaan in ay xorriyadooda cid u daba-fadhiistaan, oo fartii ay doonaan qoraan.

"Ku socda tubtaa aad imika haysaan oo ay muuqato in ay idin ku habban tahay, oo ay tahay in aad iska diidaan in wax la idiin yeedhiyo, danteenu waa ubadkeena" ayeey hadalkeedii ku af-xidhay.

AARGOOSIGA QUDHIISAA CUDUR AH.

Sida ay qabaan khubaro badan oo xagga caafimaadka ah "in aad jiritaanka caafimaadkaaga xoogga saarto ayaa in badanna ka wanaagsan in aad Aarsato" daraasado badan oo isla qadiyadaa ahaa ayaa farfiiqaya in intii loogu tagay waraysi isla qadiyadaa ah ay sheegeen "in Aargoosigii ay isu qaadeen uu gayeeysiiyey Caro, Argagax, iyo kolkii dambe oo ay ka qoomameeyeen falalkaa aargoosi ee ay isu taageen".

Kolka lagaba soo tago dareenkaagii oo ay farxadi hafiso aargoosigaa kadib, haddana sida badan dareenkaasi kolka dambe ayuu isu roggaa ceeb, qoomamo iyo adigii oo si guda-fog u dareemaa gabood-fal ka dhan ah qofkaa aad isu taagtay aargoosigiisa, haddaba si walba oo ay wax kuu gaadhaan ama aad isu tusto in ay wax kuu gaadheen isku day in aad lafahaaga xoogga saarto intaad awooddo, isku day in aad dano kale qabsato, in aad faraxsan tahay ayaa aargoosi ugu wanaagsan.

Info; News Agencies + Saxadoon| Photo; Google.

Nala Eeg

LEAVE A REPLY