MULTIVITAMIN-ADU DAN AYEEY INOO YIHIIN

Daraasad goor dhow un lagu soo af-xidhay dalkan #Maraykanka ayaa tilmaamaysay in [#Multivitamin]-nadu ay dan u yihiin nolosha aadanaha dhinac walba oo ay tahay! Gaadh ahaan tan la xidhiidha isu dheeli tirka #biyaha, #biraha iyo dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay jirka dadku.

Cilmi-baaristan oo si gaadh ah loogu eegayey maqaarka sare ee dadka ayaa ay ku baahisay Jaamacadda Case* Western Reserve University wargayska [Investigative Dermatology]; Sida ay ku warameen kooxdii darasadan qaabeeyey, waxaa loo adeegsaday inta u dhaxaysa 55kun ilaa 200 oo kun oo xabadood oo noocaa [#Multivitamin]-nada ah, kuwan oo si dhan oo dhiirran loo dareemay wax tarkooda.

Dhamaan dadkii lagu tijaabiyey daraasadan ayaa la ogaaday in ay aad oga faa'iideen xabadihii kiniiniga ahaa ee kolkaa la laqsiiyey mudo dheer, tan la xidhiidha cudurada maqaarka iyo wax tarka jirka.

Intooda badan ayaa ay ku laaqaan khansiir, hubi ka hor inta aadan liqin.

WORLD. ~ News Agencies.

Wax tarka ay [#Multivitamin]-nadu u leeyihiin jirka waxaa loogu hormariyaaa
~ In hadii ay [#vitamin]-nadu qaar kugu yaraadaan ay keeni karto in murqahaagu ay rabqaan
~ In aad awoodi kari waysid in aad hesho dareen dhamaystiran oo aad xaaskaaga/xaasaskaaga ku qanciso
~ Aragaaga oo daciifa.
~ Maskaxdaada iyo jirka oo aad daal joogta ah ka dareento; iyo kuwa kale

Baahida ugu badan ee maanta loo qabo adeegsiga [#Multivitamin]-nada ayaa ay culimadii daraasadaa sameeyey qabaan in tayada raashinka maanta dunida laga quuto ay tahay mid aad u lidata, oo aan dadka habayaraatee wax badan ku soo kordhinaynin, gaadh ahaan dunida la sheego in ay horumartay oo raashinka laga cunaa oo dhami gacan ku rimis yahay.

OGOOW; Waxaa halkan xusid mudan in inta ugu badan [#Multivitamin]-nada lagu daro [#Gelatin], noocan sida badan waxaa laga keenaa Khanziirka; Sidaa awgeed waxa aannu ku talinaynaa hadii aad adeegsanayso [#Multivitamin]-nada, in aad adeegsato nooca khudaarta ka samaysay sida [Alive]-ka khudaarta ka samaysan, iwm.

____
*[#CASE] Waa Jaamacad ku taala Cleveland, Ohio. CASE waa Jaamacadaha caafimaadka lagu barto ee xaga darajada ugu soo dhow #Mayo #Clinic oo kow ka ah Jaamacadaha Dunida oo dhan xagga #caafimaadka.

Info; [Investigative Dermatology] | #SAXADOON | Photo; Google

HA FUDUDAYSAN!

Haddii aad aragto calaamadahan ha fududeysan, waxa ay astaan xilli hore ah u yihiin in aad u dagan tahay cudurka halista ah ee #Kansar-ka, ogoow kol walba oo aad u howl gasho!!

HOOYO KU DAYASHO MUDAN

[Dr. Hidaya Abdi Elmi, DDS. Waxa ay ka qalin-jebisay University of Minesota, School of Dentistry;!! .