CAAFIMAADKA GABDHAHEENU
XAGEE KU DAMBAYN?

SU'AAL; Beryahan dambe waa innaga sidii aannu u soconay gaadhnay in aan rinji ku qubaysano,..Inkasta oo aannu marxalado dhowr ah soo marnay, mar la is cadaynayey oo dugulka madoow oo dhan aannu iska rogi jirnay, mid ku dabaalata iyo mid un gafuurkeeda ku ekaysa, kadibana sidii dameer-faroowgii haar weyn yeelata oo aan qarsoomin.

Imika xaaladu intiiba ka soo tagtayoo waxaa la inoo keenay mid sidii gaadhi rinjiga laga bedelayo aad hadba noocii aad caashaqdo dusha suranayso, caagado dhaadheer buu ku jiraa farta un ku qabo, daqiiqado kadibna sidaad doonto u ekoooow; Hebla sankaa cuncunaya oo sidii ay u xoqaysay in yar baa ku hartay,..Hebla qaybo dhan oo jirkeeda ah ayaa midab la garan waayey isu rogay sida ruux baras qaba!! Barbaareeey bal qaababkaa kala duwan iyo kan ugu dambeeyey ee cid waliba kayaabiyey caafimaadkeenu xaguu ku dambayn?

JAWAAB; Laguu waran!! Horta horaa suubanuhu NNDH uu u yidhi; [Iyagii oo god abeeso galayna waad ka deba geli doontaan] ~ [Bukhaari Baa soo saaray]; Hoogga iyo ba'a dhalinta haysta waxaa mas'uuliyadeeda koowaad leh qolyahaa ganacsatada sheegta oo qurmuunkii ay arkaanba ummadda u soo daabula; Iyadii oo weliba qurmuunku kala wanaagsane mid laga yaabo in uu dhacay soo waarida! Waxaa kale oo mas'uuliyadaa inteeda badan leh qolyahaa sheegta in ay ka taliyaan aagagaa dhaliinyaradu ku baaba'ayaan ee qaybaha kala duwan ee suntaa lagu iibinayo ama isticmaalayo! Intuba waa ay wanaagsanaan lahayd in ay Mas'uuliyadooda gartaan oo ay qolyaha taa ku howlan shanta ula tagan si loo badbaadiyo gabdheheena iyo qaar wiilasheena Soomaaliyeed ah.

Iyagii oo god abeeso galayna waad ka daba geli doontaan

BUKHAARI ~ Soo Saaraha Xadiiska

CAAFIMAADKA; Caafimaad iyo kala dheer qof waxyaabaha lagu sumoobo adeegsaday, Intuba kuwaa la soo sheegay waxa ay ka kooban yihiin maadooyin sun ah oo aysan marnaba suuragal ahayn in uu ka badbaado cuduro wada dilaa ah oo kaaga daranta aan kolka dambana heebtoodana la garan. Waxaa taa astaan u ah oo cilmi baadhis xeel dheer lagu ogaaday in la faro hablaha waxaa isticmaala in ay dabka iyo kulaykaba ka fogaadaan hadii kale ay ku gubunayaan, ama aad qudhaadaba ku ogaan kartaa hadii aad shuclad qaadato oo aad dhabankaaga ku tijaabiso kadib kolka aad kiimikadaa isku buufiso.

Maadooyinka Sunta ah ee laga sameeyo;
~ [Formaldehyde (CH2O)];
~ [Acetone [(CH₃)₂CO];
~ [Isopropyl acetate(C5H10O2)];
~ [Methyl methacrylate (C5H8O2)]; Iyo in kale oo lagu daray!

Adigii oo waxaas oo maadooyin kiimika ah oo la isku laaqay ku soo dabaashay ama sida imika loo guuray isku soo buufiyey sidii gaadhi imika un ay warashadu soo tuurtay waxa ugu sahlan ee aad ka dheefi kartaa waa; Neef-qabad, Xiiq, Qufac, Hinraag, Xasaasiyad xaga Maqaarka, Indhaha iyo Dhuunta oo aad si joogta jilif ugu dareento, Maqaarkaaga oo dil-dilaaca adeegsiga kuwaa ee waqti badanna ay keeni karto Cudurka Dilaaga ah [Cancer]-ka oo Maqaarkaaga la taga! Oof-wareen joogta ah oo Kelyaha, Beerka iyo Wadnaha intaba saameeyn weyn ku yeesha! Tan intaas oo idil ka daran waa kolka haweenka adeegsada suntaa ay ilmo calooshooda galaan, suntaasi waxa ay saamayn weyn ku yeelataa qaab-samaysanka ilmahaa caloosha u galay!

Waxa aannu talo ahaan u tebinaynaa quruxdu waa qaabkii Ilaahay kuu sameeyey ee iyadaa dayso halkii aad maalmahan yar ee dunidan la yaalo aad silic iyo saxariir ku dhamaysan lahayd sababta wax aysan wax badani kaa raacayn oo aad adigu gacmahaaga ku doonatay!!

Info; News Agencies: | #SAXADOON | Photo; Allura

HA FUDUDAYSAN!

Haddii aad aragto calaamadahan ha fududeysan, waxa ay astaan xilli hore ah u yihiin in aad u dagan tahay cudurka halista ah ee #Kansar-ka, ogoow kol walba oo aad u howl gasho!!

HOOYO KU DAYASHO MUDAN

[Dr. Hidaya Abdi Elmi, DDS. Waxa ay ka qalin-jebisay University of Minesota, School of Dentistry;!! .