DR.YASIN ABDI, DBMS, MSc, BSc, CSci, FIBMS

Dr. Yasin Abdi inta la ogyahay waxa uu ahaa aqoonyahankii keliya ee isu taagay wax ka qoridda COVID19-ka gaadh ahaan afkeena hooyo "Somali". Sadexdii qaybood ee qormooyinkaa oo sida runta ah intii ugu habbanayd qoraal ee laga sameeyey cudurkaa halista ah kaga bogo halkan

KARDHIYE; MAGAC BIXINTA AF-SOOMAALIGA EE CUDURKA COVID19.

Haddaba, waxa mudan in la is weydiiyo Af-Soomaali muxuu cudurka COVID-19 ku noqonayaa? Maadaama, Soomaalidu aanay lahayn waqtigan xaadirka ah xarumo lagu sameeyo daraasaadka iyo cilmi baadhista sayniska iyo caafimaadka ama luqadda Af-Soomaaliga, magac bixinta af-Soomaaliga ee COVID-19 maxaa lagu saleeyey?

COVID-19; SAAMAYNTA CAAFIIMAAD IYO AAYAHA MUDADA DHEER.

Xaaladda caafimaadka adduunka ee hadda jirtaa waxay maraysaa meel cakiran oo aan la garanayn halka mustaqbalkeedu ku dambayn doono iyo aayaha ka dhalan doona midna.

CUDURKA WUHAN FAYRAS (WUHAN NOVEL CORONAVIRUS INFECTION)

Wuhan coronavirus waa fayras cusub oo ugub ah (a new novel coronavirus, nCov) waxana lagu magacaabi karaa si ku meel gaadh ah “Wuhan novel coronavirus (WN-CoV)” in kastoo WHO (Laanta Caafimaadka Adduunka) ku talisay in la odhan karo 2019-nCoV