Editor's note: [Cancer]-ka oo ah cudur halis ah ayaa ay muhim tahay in looga digo bulshada si ay goor hore isu baadhaan, islamarkaana dhibaatadaa loogu helo xal loo qaateen ah.

Nala Akhri
  • Qallin-duuradda iyo dhibaatada ay imika ummadda ku hayaan oo imika ay muuqato.
  • Aqoonta oo tu qadisan ahayd iyo sida ay isu bedeshay in ay cid waliba iftooto.
  • Habeen-baraarug tii ay ummaddu salal la toostay sababta cudurka halista ah ee COVID-19 Guji

Haddii aad aragto calaamadahan ha fududeysan, waxa ay astaan xilli hore ah u yihiin in aad u dagan tahay cudurka halista ah ee #Kansar-ka, ogoow kol walba oo aad u howl gasho goor hore sidii aad oga hor-tagi lahayd cudurkaa in ay kaa caawinayso in aad degdeg uga caafimaado; Astayaasha laga yaabo in aad isku aragto ee ay tahay in aad si dhow u eegtaa, oo aadan fududaysan ayaa ay ka mid yihiin.

Daal joogta ah oo wax walba oo aad qabsan layd kaa hor-istaaga, culeyskaaga oo uu hoos u dhac ku yimaado..Intuba waxa ay astaan dhow u yihiin, kansarka xiidmaha[Colon cancer], lafaha, kelyaha iyo dhiiga.

~ Xanuun xooggan oo aad dalqada ka dareentaa..Inta badan waxa uu astaan u yahay Kansarka caloosha, tubada isku xidha dalqada iyo qaybta sare ee caloosha[Oesophageal cancer], iyo dhuunta.
~ Hargab joogta ah oo dhiig iyo xanuun tan iyo xabadka dherarsan ay wehliyaan, islamarkaana naqasku ku qabanayo, sida badan waxa uu astaan u yahay kansarka kelyaha.
~ Xadhgaha codka, oo marmar is xidha ama ay codkaagu xabeeb xoogani dabooshaa, waxa iyana astaan loo qaateen ah ay u tahay kansarka dalqada.

Astayaashaa loola jeedaa oo keliya baraarujin, iyo goor hore is baadh

Abdi, Yasin; Khabiir Xagga Caafimaadka ah

~ Madax xanuun joogta ah..waxa uu astaan u yahay kansarka lafaha, ama madaxa, gaadh ahaan kolka ay wehliyaan adigii oo wareera, hamaansi kol walba ah, aragaaga iyo maqalkaaga oo aan sidii aad arki jirtay abbaar ahayn.
~ Midabka jirkaaga oo is bedela.
~ Xanuun aadan garanaynin meel uu kaa hayo oo joogta ah.
~ Xawadaada oo aad dhiig ku aragto.
~ Haweenka oo kolka ay da' gaadhaan, oo ay dib isugu arkaan dhiigi bilaha ahaa.

~ Saxarada iyo kaadida oo aad dhiig ku aragto.
~ Xanuun iyo barar xagga caloosha ah.
~ Xummad, dhidid joogta ah iyo wareer.
~ Lalabo iyo matag joogta ah.
~ Adigii oo si joogta ah isu xoqa.
~ Nabraha jirkaaga ku dhacay oo aan degdeg biskoon.

Calaamadahaa waxa loola jeedaa oo keliya baraarujin iyo in haddii aad isku aragto aadan dhayalsan, ee aad degdeg dhakhtarka u gaadho, iyadii oo aysan taasi macnaheedu ahayn, in haddii aad calamaadahaa isku aragto aadan judhiiba u qaadan in aad kansar qabto, waxa aad qabto ee kama dambaysta ah, waxaa lagu ogaan karaa oo keliya baaritaan caafimaad oo lagugu sameeyo.

Info; News Agencies, + #Codkeena | Photo; [IFP Nano Pharmaceutical]

Nala Eeg