Laba Kaclaynta "WUHAN"
iyo COVID19

Iyadii oo imika sanad un laga joogo xaaladihii caafimaad darro ee la xidhiidhay COVID19-ka ee ugu dambeeyey ee lagu arko [Wuhan]-ta Shiinaha, oo ahayd halkii uu kolkii horeba ka hinqaday COVID19-ku ka hor intii uusan dad badan oo dunida oo dhan ah galaafan, ayaa ay hadana wararka ka imanaya [Wuhan] sheegayaan in xaalado cusub oo COVID19ka ah halkaa lagu arkay.

61 xaaladood oo cusub ayaa laga diiwaangeliyey "HUWAN" iyo aagaga ku dhowdhow

WORLD. ~ News Agencies.

Dalkaasi shiinaha ayaa maalmihii la soo dhaafay aad ugu mashquulsanaa xannibaadda malaayiin dadkiisa ah, iyadii oo la joojiyey isugudubka dadwaynaha meelo badan oo gudaha dalka ah, ujeedada u weyn ee taa ayaa lagu sheegay sidii la isu hortaagi lahaa faafidda cudurkaa, saas oo ay tahay hadana howlwadeenada caafimaadku waxa ay diiwaangeliyeen 61 xaaladood oo COVID19-ka ah tan iyo shalay, isla [Huwan] xaafado aan ka fogayn ayaa laga soo sheegayaa in uu COVID19-ku faro ba'an ku hayo oo uu si badan ugu faafayo goobahaa.

Tirada guud ee aagagaa uu ku habsaday COVID19-ka ayaa lagu soo waramayaa in ay kor u dhaafeen 93, 200 oo qof halka tirada dhimashadu gaadhay 4640 qof.

Maraykanka qudhiisa oo ayan fadhiyin xaaladaha caafimaad ee loo diiwaangeliyo COVID19 ayaa ay cabsi badani soo waajahday maalmihii u dambeeyey, tiiyoo imika wax walba la fasaxay gaadh ahaan kulamada dadwaynaha ayaa hadana cabsi weyn laga qabaa barnaamijyo dhamaantood baashaal loo gingimay sababta cishadii uu dhashay Obama madaxwayhinii hore ee dalkaa Maraykanka oo caawa un la isu diyaarinayo.

Af-hayeen u hadlay aqalka cad ayaa sheegay in "Xafladda dhalashada Obama ay u dhici doonto sidii loogu talagalay, iyadii oo lagu qaban doono aqolka qoykiisa" Xafladaa oo ay ka soo qayb geli doonaan 480 qof iyo qolyaha qaabilsan maamuuska oo tiro ahaan lagu sheegay 200 oo qof.

Inkasta oo lagu qaban doono goob dusha sare ka furan hadana dadka ku fooggan barnaamijyada caafimadka gaadh ahaan dirirta iyo dadaalka la isku hortaagayo COVID19ka waxa ay qabaan in uu odaygu iska indha-tirayo dhibaatada ka dhalan karta dad intaa tiro la'eg oo la isugu keeno goob kaliya tan la xidhiidha COVID19-ka

NOTE: Dr. Yasin Abdi inta la ogyahay waxa uu ahaa aqoonyahankii keliya ee isu taagay wax ka qoridda COVID19 gaadh ahaan afkeena hooyo "Somali". Sadexdii qaybood ee qormooyinkaa oo sida runta ah intii ugu habbanayd qoraal ee laga sameeyey cudurkaa halista ah kaga boggo halkan

~ Qaybaha 1 | 2 | 3 |

Info; News Agencies: | #SAXADOON | Photo; Google

HA FUDUDAYSAN!

Haddii aad aragto calaamadahan ha fududeysan, waxa ay astaan xilli hore ah u yihiin in aad u dagan tahay cudurka halista ah ee #Kansar-ka, ogoow kol walba oo aad u howl gasho!!

HOOYO KU DAYASHO MUDAN

[Dr. Hidaya Abdi Elmi, DDS. Waxa ay ka qalin-jebisay University of Minesota, School of Dentistry;!! .