Editor's note: Danta iyo ujeedada laga leeyahay [saxadoon] iyo tan ay ugu fadhido ummadda ku hadasha Af-ka Soomaaliga ayaa qormadan gaaban lagu dhigay.

NALA AQRI QORMADAN
  • [Elmi’s Medical Encyclopedia] waa Qaamuus aqooneed mug leh oo la xidhiidha cilmiga daawada ama daawaynta xanuunnada.
  • Qaamuus aqooneedkan caafimaadku waa mid si weyn loogu jeellanaa helitaankiisa. Waayo, waxa baahi weyn loo qabaa fahamka caafimaadka iyo xanuunka.
  • Dr. Cilmi wuxuu aad ugu dedaalay inta karaankiisa ah inuu turxaanbixiyo Qaamuus aqooneedkan sayniska caafimaadka. Guji

Dhammaan barnaamijyada lagu baahiyo [Saxadoon] ayaa ay ujeedoodu tahay oo keliya sidii loo beegsan lahaa halbeeg lagu gaadhi karo sidii ummadda af-Soomaaliga ku hadasha loo gelin lahaa maankooda meel marinta daryeel caafimaad ka hor inta aysan daruuri noqon in loo dhigo xarumaha caafimaadka iyadii oo dabiib lala doonayo, waa halka ay Soomaalidu tidhaahdee "Ka hortagaa ka wanaagsan daweynta", tiiyoo si gaadh ah xoogga la saarayo degaanadaa wada yaala iyo hiijinta tan u gaadhka ah ee daryeelka caafimaadkooda.

Beegsiga inta ku hadasha af-Soomaaliga ayaa saxadoon u sahlaya in ay gaadhsiiyaan barashada dariiqadda u gaadhka ah ee si joogta ah u meel marinta daryeel caafimaad iyo xadididda farsamo cayiman oo ay taasi yeelato. [Saxadoon] waxa ay kaabad xidhiidhisa u noqon doontaa intii laga bartay kuliyadaha waxbarashada sare iyo meelmarinta taa tan la xidihiidha caafimaadka guud ee bulshada.

Si wada jir ah ayaannu oga wada shaqayn doontaa meelmarinta arimahaa iyadii oo aannu adeegsanayno tabo is-huwan ee horumarinta iyo saxar tirka faya-dhowr dhamaystiran ee bulshada, gaadh ahaan hagidda iyo barashada hirgelinta caafimaad meel mar noqda oo ay bulshadu gaadho.

U GAAR AH SARS-CoV-2 [COVID19]
Dr. Yasin Abdi, DBMS, MSC, BSC, CSCI, FIBMS
[London, United Kingdom]

Saxadoon waxa aad ka heli doontaan macluumaad dhamaystiran oo kugu haga meel marinta tabahaa, aqoonta ugu habban ee la xidhiidha taa, iyadii oo aannu kol kol isu taagi doonno in aannu bulshada qudheeda waydiino sida ay la tahay iyo tan ay isleedahay waa ay ku gaadhi karaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran.

tabaha sida gaadhka ah loogu adeegsan doono gaadhida arimahaa la xusay ayaa ay u badnaan doonaan wax waydiin ogaal ku wajahan bulshada, iyo iyadii oo mararka qaar shanta loola tago in ay soo gudbiyaan wax un xal u noqon kara su'aalahaa la waydiiyey.

Qaybaha barnaamijka

  1. Barnaamijyada waxbarasho; Oo iyagu bari doona bulshda farsadama loogu guurayo daryeel caafimaad oo meelmar noqda iyo isbedelka nidaamka iyo qaab dhismeedka taa.
  2. Xarumaha Caafimaadka; Oo iyagu bulshada gaadhsiin doona bixinta iyo meel marinta daryeel caafimaad oo sida ugu wanaagsan loo qaabeeyey xagga xirfadda iyo aqoonta.
  3. Tayeeynta kaadirka; Oo si gaadh ah loo ilaaleeyn doono is dhex galka iyo howsha markaa ay u hayaan bulshada; Iyadii oo kol walba la gaadhsiinayo aqoonta iyo hagidda ay mudan yihiin si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray.
  4. Saxartirka iyo dardar gelinta barnaamijyada caafimaadka bulshada si loo qeexo barnaamijyada muhimka u ah ummadda iyo dadaalada ay mudan yihiin in lagu bixiyo taaa.

Info; #Saxadoon Team| Photo; Google.

Nala Eeg

LEAVE A REPLY