KA FEEJIGNOOW; [Sildenafil - C22H30N6O4S]

Magaca sida badan cilmi ahaan loo yaqaaan [Sildenafil], walow uu ku caan baxay [Viagra], amaamudkiisii hore loola qasday in si dhow wax loogaga qabto tan loo yaqaan [erectile dysfunction], kacsigaagii oo baabah noqda, gaadh ahaan [pulmonary arterial hypertension], sidii ay isuduwayaashii howshan ku warameen kolka uu ruuxaa qooq-doonka ahi liqo 20 daqiiqo gudahood ayuu judhiiba abraaraa oo tubtaa saaraadaa tan iyo labada saacadood ee xiga.

Tan iyo imika ma cadda sidii uu meel mar u noqday tan la xidhidha tii kolkii horeba loola jeeday, iyadii oo ay sidaa tahay ayaa hadana nooc gaadh ah oo loogu talagalay dumarka la soo bandhigay, imika labaduba cid og ma jirto sidii ay wax ogaga tareen halkii lala beegsaday.

Qaar badan oo qooq-doon ah oo un si halhaleel ah isu dhaafiyey xabuubkaa ayaa ay la soo gudboonaadeen, madax xanuun, qalbi olol, cuduro xagga wadnaha ah, kolka lagu daro dhibaato xoogan oo uu u gaysto [prolonged erection]-ka iyo weliba dhalfadii sara kaca lala doonayey oo ay murqo-tiran gayeeysiiso.

Intiiba tijaabooyinkii la sameeyey waxaa lagu ogaaday in [Viagra]-hu dilaa yahay.

WORLD. ~ News Agencies.

Kolka si yarahe taa ka yasiran loo dhigo [Sildenafil]-ku waxa uu hor-qabtaa [phosphodiesterase 5 (PDE5)] oo isagu ah dheecaan u taagan meel marinta iyo qaybinta [Cyclic guanosine monophosphate (cGMP)] qaabeeyaha keliya ee dhiigga ku shubma dhalafada ragga xilliga sarakaca, tu goorta dambe aan looga maarmi doonin [Sexual arousal], qaar baa inta ay intiiba soo gudubtay geeri iyo god aakhiraad u hoyday sababta dhiiggii xooganaa ee uu wadnuhu dhufanayey.

Horraantii 2015kii ayaa si ba'an loogu daatay dalkan Maraykanka, iyadii oo loola jeedo oo keliya [pulmonary arterial hypertension], halka sanadkii 2016kii 50jeer la laba rogay kii asalka ahaa, tiiyoo uu cirka isku shareeray xagga qiimaha, kolkaa 50mg oo keliya ayaa lagu kala iibsanayey inta u dhaxaysa $27.20 - 37.88.

Intiiba tu meel fadhiiso tiri ayaa lagu sheegay sida lagu baahiyey inta badan wargaysyada dunida 11 caruur ah ayaa u dhintay sababta in waalidkood ay qaateen kiniinka dareen-beegsiga loo cuno ee [Viagra]-ha loo yaqaan, sida warbixinta lagu xusay hooyooyinka ubadkaa ayaa kiniinkaa qaatay iyagii oo uur leh.

[Viagra]-ha ayaa kolkii horeba ku tala-galkiisuu ahaa in ragga iyo dumarka dareen-beegsiga asaagood la maagani ay liqaan si kolba meeshii ciil la bido ay cashar loo qaateen ah uga dhigaan dhiggood.

Waxaa isla NewsWeekgu qudhiisu qoray isagii oo soo xiganaya wargaysyada dalkaa Holland in daraasad ay sameeyeen qolyaha caafimaadka ee dalkaa 80 haweenay ah la siiyey noca ugu caansan kiniinkaa [Viagra]-ha [Sildenafil - C22H30N6O4S], iyadii oo loo dhaba-galayo sida ubadkaa uurkooda jiifa ay u koraan ama uu koriinkoodu u istaago.

Taasi waxa ay ku dhamaatay si ka duwan sidii la filayey, ubadkii calooshooda ku jiray waxa ay dhasheen iyadii oo kilyuhu tabar daran yihiin, intiiba tijaabooyinkii la sameeyey waxaa lagu ogaaday in [Viagra]-hu dilaa yahay.

Dhowr wargays oo kale ayaa iyaguna sheegay wax-waydiin-ogaalkii haweenka holland ee qaatay kiniinkaa [Viagra]-ha aysan tan iyo imika ogayn in ubadkoodu ay wax dhib ah kala kulmeen arintaa.

Rag badan oo kuwa caafimaadka bulshooyinka horumaray ku fooggan ah ayaa qaba in kaniinkaa oo kolkii horeba dareen-qumbacasho kula dagaal loo sal-xidhay imika un la ogaaday halista uu leeyahay iyo sida ay tahay in il gaadh ah lagu hayo caafimaadka kuwa sida joogtada ah u adeegsada.

Info; News Agencies: | #SAXADOON | Photo; Google

HA FUDUDAYSAN!

Haddii aad aragto calaamadahan ha fududeysan, waxa ay astaan xilli hore ah u yihiin in aad u dagan tahay cudurka halista ah ee #Kansar-ka, ogoow kol walba oo aad u howl gasho!!

HOOYO KU DAYASHO MUDAN

[Dr. Hidaya Abdi Elmi, DDS. Waxa ay ka qalin-jebisay University of Minesota, School of Dentistry;!! .