Editor's note: baadhintaanka joogtada ah ee naasaha caafimaadkoodu waa u dan, iyo barbaarinta ubad wanaagsan oo caafimaad qaba.

NALA AQRI QORMADAN
  • [Elmi’s Medical Encyclopedia] waa Qaamuus aqooneed mug leh oo la xidhiidha cilmiga daawada ama daawaynta xanuunnada.
  • Qaamuus aqooneedkan caafimaadku waa mid si weyn loogu jeellanaa helitaankiisa. Waayo, waxa baahi weyn loo qabaa fahamka caafimaadka iyo xanuunka.
  • Dr. Cilmi wuxuu aad ugu dedaalay inta karaankiisa ah inuu turxaanbixiyo Qaamuus aqooneedkan sayniska caafimaadka. Guji

Naasaha; Laba un ka mid ah qaybta sare ee jirka aadahana, gaadh ahaan xagga sare ee qaybta [Ventral]-ka in yar xagga hoose ee kalxamaha; Haweenku la gaadh yihiin in ay u taagan yihiin [mammary gland]-ka sameeya caanaha kolka ay tahay in la quudiyo dhallaanka. Naasaha Ragga iyo Dumarkuba waxa ay ka amaamudmaan tu un isku nooc ah tan la xidhiidha [embryological]-ka jirka.

Kiiyoo uu ku dhaco isbeel muuqda oo koboc xagga [estrogens]-ka ah kolka lala akhriyo kororka [hormone]-nadaa, ama tan sida gaadhka ah cilmiga aadanaha loo yaqaan [somatotropin]-ka ee sababta amaamudankiisa gaadh ahaan haweenka, koboca noocan ah ayun baa la arkaa isaguna kolka ay haweenaydaasi ilmo caloosha u galaan, haddiiba ay balo kale ka caafimaad qabto.

Haddaba, daraasad ay sameeyeen aqoon yahano #Maraykan ah ayaa lagu ogaaday raashinka oo la joojiyo sacado ka hor inta aan la seexan iyo cabbida biyaha oo lagu dadaalo ay suuragal tahay in ay ka dhigto in haweenku cago kaga baxsadaan cudurka kansarka ee sida badan naasaha wareema.

Cilmi-baaristan oo ay samaysay Jaamacada #California [Prolonged Nightly Fasting and #Breast Cancer #Prognosis]; ayaa maalin un keliya ka hor lagu baahiyey [American Medical Association], tan loo adeegsaday daweynta iyo u dhabba-galida 2413 haween ah, kuwan oo intii u dhexaysay 1995 illaa 2007 uu haleelay kansarka naasuhu, goortaa da'doodu waxa ay u dhaxaysay 27 illaa 70 sano.

U GAAR AH SARS-CoV-2 [COVID19]
Dr. Yasin Abdi, DBMS, MSC, BSC, CSCI, FIBMS
[London, United Kingdom]

Cilmi-baarayaashu waxa ay si joogta ah ugu dhabba-galeen xilliyada ay quutaan haweenkaasi gaadh ahaan habeenkii, iyo kororka cudurkaa intii ay dawadu ku socotay, iyadii oo si gaadh ah ay u eegayeen heerka dhimashada ee cudurkaa.

Daraasadan waxaa lagu ogaaday in haweenkii xilli walba quutay iyagii oo aan waqti u eegin ay korortay 38% suuragalnimada kororka cudurkaa, halka kuwii xilli hore intii aysan hoyan joojiyey raashinka ay kaga wanaagsanaadeen heerka kororka iyo suuragalnimada in uu ku dhaco cudurkaa haslista ah.

Arintan ayaa sabab looga dhigay in raashinka oo aad xilli hore inta aadan hoyan joojisaa ay si xoogan u caawiso in jirku qaabeeyo sokorta ku jirta dhiiga si ku haboon qaab quudashada jirka ee xilliga hurdada, tani waxa ay yaraynaysaa fursad walba oo qofkaasi cudur un noocuu dooni ha noqdee uu ugu soo dhuuman lahaa.

Intaaba waxaa lagu soo af-xidhay in raashinka oo si qaabaysan loo qaato waqtiyo kooban, waqti dheerna loo dhaxaysiiyo cashada iyo quraacda ay un qayb ahaan noqon karto istiraatiijiyad wanaagsan oo inta badan cudurada halista ah sida kansarka, sokorta, cudurada wadnaha, kuwa dhuumaha dhiiga iyo in kale oo aynaan halkan ku soo koobi karin looga gabban karo.

Info; [The Journal of the American Medical Association]; [San Diego Moores #Cancer Center]; [#University of #California] | Photo; The #HealthSite

Nala Eeg

LEAVE A REPLY