Editor's note: Daraasad muddo qaadatay oo loo adeegsaday agabka loo yaqaan [ZOE COVID] ayaa lagu ogaaday in ummad intii qaadatay talaalka caalamadaha u gaarka ah cudurkaa aysan wax badan la oolin.

SARS-CoV-2 [COVID19]
  • KARDHIYE; MAGAC BIXINTA AF-SOOMAALIGA EE CUDURKA COVID19.
  • COVID-19; SAAMAYNTA CAAFIIMAAD IYO AAYAHA MUDADA DHEER.
  • CUDURKA WUHAN FAYRAS [WUHAN NOVEL CORONAVIRUS INFECTION] Guji

Sidii la wada filayey talaalku waxa ay ahayd in uu yareeyo dhibaatada iyo faafida cudurka halista ah ee in badan oo dadkii dunida ah galaaftay COVID-19, taasise ma aysan dhicin in badan oo intii qaadatay talaalka ah ayuu misana dib ugu soo laabtay oo lagaba yaabee in ay qudhoodu faafinayaan; Haddii ay dhacdo in uu dib kuugu soo laabto adigii oo is-talaalay maxaad fili?

Warbixin dheer oo lagu baahiyey inta badan wargaysyada caafimaadka ayaa lagu sheegay in goor sii horaysay ay dunidu kaga guulaysatay si dhamaystiran talaal cuduro badan oo soo waajahay aadanaha, tiiyoo la muday in badan oo dadka dunida ah, duniduse maanta ma aysana gaadhin kolka si dhow loo eego dadaaladii lagu talaabsaday heer ay COVID-19 kaga adkaato talaal.

Talaalku muhimad gaadh ayuu inoo leeyahay

Elmi, Leyth; Khabiir Xagga Caafimaadka ah

Tan la yabaka leh ayaa lagu sheegay xataa iyadii oo aad qaadatay talaal keliya, ama labadaba ay weli suuragal tahay in uu COVID-19 gafuurka ku geliyo, inta badan khubarada caafimaadka waxaa la isku raacsan yahay in 98% intii u dhimatay billowgiiba COVID-19 aysan ahayn qaar fursad u helay talaalka, halka 92% intii is muday aysan u baahan doonin in cusbitaalka la dhigo kolka uu u dhuunto COVID-19, oo un ay xaaladoodu ku ekaan doonto un bukaan socod yasiran.

Daraasad muddo qaadatay oo loo adeegsaday agabka loo yaqaan [ZOE COVID] ayaa lagu ogaaday in ummad intii qaadatay talaalka caalamadaha u gaarka ah cudurkaa aysan wax badan la oolin, oo kolkaa ay gabbaad wanaagsan ka leeyihiin COVID-19 islamarkaana ay si degdeg ah ogaga biskoodaan.

Calaamadaha sida badan lagu garto cudurka COVID-19 ayaa ah madax-xanuun, san-qulqul, hindhiso, dhuun xanuun, iyo mararka qaar oo aad urta iyo dhandhankaba aad waydo, halka qofka talaalan ama mar keliya la muday ay yar tahay in uu calaamadahaa isku arko.

Dunida maanta oo warbixinno iyo daraasado soo kala horjeeda ay soo baxayaan ayaa hadana baadhitaanno cusub lagu ogaaday in intii ismuday ee uu misana cudurkaa ku dhacay gaadh ahaan kan imika loogu yeedho "delta" ay ku sidayaal yihiin in badan oo badan tan la xidhiidha cudurkaa gaadh ahaan sanka iyo dhuunta.

Inkasta oo ay tani ka soo horjeedo tii ay sida goonida ah u ilaaleeynayeen koox culimada ah xanuunkaa iyo intii la talaalay, tii lagu ogaaday in aysan jirin cabsi la xidhiidha faafidda cudurkaa, walow aysan laba isku diidanayn in "DELTA" uu isaga gudbi karo inta talaalan iyo kuwa aan iyagu qaadan talaalka, kolka lagaba soo tago in ay ka muuqato calaamadaha cudurkaa.

Tu aqbal iyo guddoon la wada yidhi ayaa kolkii dambe la isla qaatay, cid walba oo qaadatay talaalkaa oo iyagu la nool dhallaan ama duqoow iyagu qaba itaal-darro xagga difaaca jirka ah in ay suuragal tahay in ay gudbiyaan, gaadh ahaan bulshooyinka uu si ba'an ugu faafay cudurkaa.

Info; News Agencies, + #Saxdoon | Photo; [google]

Nala Eeg