Editor's note: Qanuunka gobolka Minnesota ayaa ogolaanaya in aan waxba laga waydiin waalidka ama hagaha ubadku la nool yahay tan la xidhiidha go'aan walba oo uu kuraygaasi ka gaadhayo caafimaadkiisa.

NALA AQRI QORMADAN
  • [Elmi’s Medical Encyclopedia] waa Qaamuus aqooneed mug leh oo la xidhiidha cilmiga daawada ama daawaynta xanuunnada.
  • Qaamuus aqooneedkan caafimaadku waa mid si weyn loogu jeellanaa helitaankiisa. Waayo, waxa baahi weyn loo qabaa fahamka caafimaadka iyo xanuunka.
  • Dr. Cilmi wuxuu aad ugu dedaalay inta karaankiisa ah inuu turxaanbixiyo Qaamuus aqooneedkan sayniska caafimaadka. Guji

Inkasta oo ay in dhawaydba dunidu la ciirciiraysay dhibaatada xagga jinsiga, iyo qaylo-dhaantii khaniisiinta oo cirka isku shareertay ayaa hadana maanta waxaa intiiba meel fadhiiso yidhi oo kacdoon xooggan oo intiiba ka dheereeyey oo khaniisiintii qudhoodiiba ka yaabiyey la soo baxay kooxaha u ololeeya "transgender"-ka oo lagu macneeyey isbedel xagga jinsiga ah oo kolkaa hadba jinsigii aad doonto "Lab" iyo "Dhedig" dusha laguu suro

Isbedelkan xagga jinsiga oo siyaabo kala duwan loo meel mariyo ayaa ay adag tahay in la is-hortaago haddii uu ruuxaa goostay in uu ku talo-xumoodo taa iyada ah ka wayn yahay 18jir, walow tan inta badan aadanihii dunida oo dhan ka yaabisay lagu sheegay in ubadkii oo aan weli qaan gaadhin sidii la doono laga yeelo, iyadii oo haba yaraatee aan waxba laga waydiin waalidkii ubadkaa dhalay.

Arintan oo aan si gaadh ah u quseyn koox ama isir keliya, imika waxaa ugu daran qowmiyadaha tirada badan ee degaan ahaan ka soo jeeda dalkan Maraykanka; Waxaa aad loo wada xasuustaa qadiyadii Anmarie Calgaro oo wiil ay dhashay uu Goblka Minnesota ka bedelay jinsigii uu kolkii hore ahaa, Hoyadaa dacwadii ay ka gudbisay gobolka Minnesota waxa ay gaadhay heer dowlada dhexe "Federal", tiiyoo sida lagu soo waramayo aan weli wax qiil ah loo helin.

Erick Kaardal, ayaa qayb ahaan ka tirsanaa rag aad ogaga carooday falkaa xaaraanta ah ee uu Gobolku ku dhaqaaqay, odaygu waxa uu taa ku tilmaamay tu aan sinaba la aqbali karin isla markaana ah xad gudub ka dhan ah xuquuqda waalidka oo aan wax badanba ku fadhiyin dalkan Maraykanka.

U GAAR AH SARS-CoV-2 [COVID19]
Dr. Yasin Abdi, DBMS, MSC, BSC, CSCI, FIBMS
[London, United Kingdom]

Dacwad oogidda Calgaros wax aay bilaabatay 2015 dhowr todobaad un ka hor goortii loo shumac-shidi lahaa 16guuradii dhalashadiisa, isla maalmahaas ayaa ay [Mid-Minnesota Legal Aid Clinic] soo gaadhsiisay inankeedaa qoraal ay ujeedadiisu ahayd oo keliya in uu yahay [Kuray la xoreeyey], tan oo loo jeedo in jinsigii uu ahaa laga bedelay iyadii oo aan waxba laga waydiin waalidkiis.

Inankan oo sheegtay in lagu magacaabo E.J.K ayaa ku dooday in 13jirkiisiiba uu khaniis ahaa; Arin kale oo la yaab leh ayaa iyadna lagu sheegay in Calgaros loo diiday in ay qayb ka noqoto waxbarashada inankeeda, kadib kolkii uu Maamulihii dugsiga ubadkaa dhaqankaa ku hanqarinayey uu la soo baxay qoraal lagu xusay in inankaa la "xoreeyey", sidaa awgeed aysan hooyadii wax lug ah ku yeelan karin waxbarashadiisa.

Qanuunka gobolka Minnesota ayaa ogolaanaya in aan waxba laga waydiin waalidka ama hagaha ubadku la nool yahay tan la xidhiidha go'aan walba oo uu kuraygaasi ka gaadhayo caafimaadkiisa. Ilaa iyo imika 11 Gobol ayaa dembi ka dhigaya isbedel walba oo lagu sameeyo jinsiga ubadkaa, kiiyoo nin ama naag kii la doono luqunta loo suro.

Qadiyadan oo aad loola yaabay ayaa Helmberger oo ah madaxa Minnesota Family Council uu ku tilmaamay "arin halis ah, iyadii oo aan sinaba loo tixgelin waalidkii ubadkaa dhalay, oo inta kuraygeedii la kaxaysto jinsigii la doono loo bedelo; Arintaasi khatary weyn oo soo socota ayeey muujinaysaa Gobolkan Minnesota"

Waxa kale oo uu Helmberger ku tilmaamay qadiyad xanuun badan iyo weliba ayaandarro in "Maxkamadaha gobolku ay qadiyadan ku tilmaamaan mid lagaga saxan yahay waalidka" Helmberger waxa uu codsaday in maxkamada sare oo imika loo gudbiyey qadiyadan ay si wanaagsan u eegto islamarkaana ay u doodo xaqa waalidku leeyahay.

Mom Bri oo hooyo keligeed ah ayaa iyadna qadiyad taa la mid ahi la soo gudboonaatay, kadib kolkii gabadh 15jir ah oo ay dhashay ay la soo gudboonaatay cabsi kadib kolkii dhakhtarkeedu u sheegay "Haddii aadan imika gabadhaada jinsigeeda ogolaan, ama aadan ku caawin sidii ay jinsiga ay doonayso u gaadhi lahayd, way is dili doontaa adigaana u dhagar-qabi doona"

Hooyadu magaceeda waxa ay ku soo gaabisay Mom Bri cabsi ay ka qabto qolyaha u dooda in ubadka laga bedelo jinsiga ay yihiin; Iyadu waxa ay tu la yaab leh ku sheegtay kolka lagaba soo tago tacliimaadka ay ku siinayaan in aad ubadkaaga jinsiga ka bedesho, handadaada lagugu samaynayo ee ah in ubadkaagu uu is dili doono haddii aadan u rogin jinsiga uu kolkaa danaynayo.

Mom Bri oo yaaban ayaa hadalkeeda ku soo af-xidhay "Ninkan shaqadiisii wuu iloobay, aniga iyo ubadkaygaba waxa uu na siiyey digniin adag, waana sababta iga dhigtay in aan magacayga ka qariyo warbaahinta; Waxa aan aaminsanahay in ay gabadhaydu u baahan tahay cid gacan qabata inta aan jirkeeda dhibaato loo gaysan"

Xilligaa kadib Macalimiinta School-ku gabadheeda waxa ay ugu yeerayeen magac wiil, iyadii oo aysan ogayn ama aan waxba laga waydiin waalidkii dhalay gabadhaa. Tan taa iyadna meel fadhiiso tiri ayaa ah in Gobolku uusan waxba ka waydiin doonin haddii la damco in gabadheedaa jinsiga ay tahay wax laga bedelo.

Inta badan waalidiintu waxa ay imika aad oga welwelsan yihiin Gobolka Washington oo isagu u ogol kurayada ka wayn 12 in ay go'aankii ay doonaan ay ka gaadhi karaan caafimaadkooda, gaadh ahaan isbedelka xagga jinsiga iyadii oo loo ogolaaday in ay adeegsadaan Card-ka caafimaadka gobolka oo in badan la ogyahay in aan wax badan loo adeegsan karin sida uu u tabar daran yahay xagga qarash bixinta, hadana waa loo ogol yahay in ubadka mustaqbalka noloshooda lagu burburiyo lacago iska batay oo ay qolyahaa u ololeeyo jinsi-bedelku qaataan.

Nets ayaa iyadana ay dhacdo cajab lihi la soo gudboonaatay kadib kolkii kuray ay dhashay oo 8 jir ahi ku yidhi isagii oo faraxsan "Cabitaan sixir ah ayaan cabayaa si aan abid kuray un u ahaado"? Netz waxa ay aaminsan tahay in kuraygeedaa la marin habaabiyey si jinsigiisa loogu ciyaaro.

Ujeedada SAXADOON ee qoramadan ayaa laga yaabaa in ay dad badani is waydiiyaan; Ujeeedadu waxaa weeye ubadkaaga isha ku hay, ogoowna in aadan wax eray ah ku lahayn maalinta ubadkaaga lagu qanciyo in isu rogo "Lab" ama "Dhedig" kii uu doono; Sida aannu horray u soo sheegnay 11 State oo keliya ayaa is-hortaagay qadiyadan urugada leh.

Tu iyadna yaab badan ayaa ah in Khaniisiintii ay imika leeyihiin waar inagaaba nala qaatay, ileen khaniisnimada waa la dawayn karaa, bal ka waran haddii gabadhaada inta qalabkii dumarka laga jaro loo tolo wax qalab rag lagu sheegay, ama wiilkaagii laga jaro qalabkii ragga oo loo jeexo wax lagu sheegay qalabkii dumarka.

MAXAA LA GUDBOON WAALIDIINTA?;

In badan waxaad maqashaan ubadka Soomaalida ee Gobolka oo si bareer ah kuu odhanaya Anigu weli go'aan kama gaadhin nooca aan ahay ama aan noqon doono, "Lab" ama "Dhedig"; Soomaaliyeey indaha fura oo hunguriga Sandareertada ah ee aad ciyaalka ku raadinaysaan intaad iska daysaan si hoose ula soco ubadkaaga haddi aadan doonaynin in aad ka kaxayso galbeedkii oo maanta musiibada jinsi bedelashada lagu saliday.

Info; News Agencies + Saxadoon| Photo; Google.

Nala Eeg

LEAVE A REPLY