SOCODKA; Cimri-dheeri ayaa
lagu sheegay

Cilmi-baadhisyo dhoowr ah ayaa in badan xilliyo hore dhiiri geliyey jimicsiga jirka oo la joogteeyo kol ay in yar noqotana si aadanuhu u gaadho nolol wanaagsan iyo cimri dheer, cilmi-baadhisyadani waxa ay tusaale u soo qaateen Magaalooyin ay ka mid yihiin [Okinawa Japan], [Lomaland, California], [Sardegna, Italy] iyo goobo kale oo dunida ah oo ay dadkoodu gaadhaan xagga cimriga 110 sano; Intuba tu keliya ayeey ka midsan yihiin "SOCOD"-ka.

Tan ugu xiisaha badan ayaa iyadna lagu sheegay in [Dunida Buluuga] ah ay dhaqan ka dhigteen dhaqdhaqaaq iyo jimicsi joogta ah, gaadh ahaan kolka ay isu qaadaan in ay 20 daqiiqo oo kasta ay tab iyo qaab gooni ah u jimicsadaan.

socodkaagu ha noqdo ugu yaraan 15 daqiiqo maalin walba, ama 60 daqiiqo todobaad walba.

HARVARD. ~ School of Medicine.

Warbixinno kale oo isla qadiyadaa daba-yaala ayaa ay Dugsiga Caafimaadka ee Harvard ku tilmaantay in "Socodka oo keliya uu si cajab leh u saamayn doono noloshaada" Lugta oo lagu tilmaamay jimicsi sahlan haddana waxa ay farfiiqeen in uu awood badan yahay oo weliba si dhan u barataarayaa toolmoonaanta jirka, tirtirida xaydha dhiigga hafisa, toosnaanta lafaha, maaraynta cufka dhiigga, iyo ka hortagga in badan oo cuduradda halista ah sida sokorta iyo wadna-xanuunka.

SOCODKA NOLOSHAADA OO DHAN.

Socodka ayaa ah tan keliya ee aad goor walba awoodi karto, ku raaxaysan karto, saacad keliya oo aad maalin walba dibada isu taagto, ama aad jiiraanka u wareegto ayaa uu buufis oo dhan dhinac kuu dhaafayaa.

Socodka oo aad weliba talaabada furto ayaa uu jirkaaga oo dhami jimicsanayaa, tiiyoo aad kolka dambe dhidid xooggan iyo neef tuur si dhan daf odhan doonto. Adigii oo samaysta xilli aad socoto ugu yaraan 10 saacadood todobaadkii ayaad ka heli doontaa ugu yaraan 90% jimicsiga ugu wanaagsan ee jirka, waqti yar ayaad mar keliya ka wada shaqaysiinaysaa boqol iyo dheeri murqaha jirkaaga ah, iyadii oo si gaadh ah u hagaajin doono dareenka garashadaada.

Daraasadahaa ayaa iyadna lagu xusay in "Dhaqdhaqaaq yar oo fudud oo maalintii ah uu dhiso murqahaaga tu ka dhigaysa in cimrigaagu dheeraado halkii aad mar keliya isu qaadi lahayd xidhmo dhan oo jimicsi gaadh ah" isla qisadan ayaa lagu xidhiidhiyay in toban daqiiqo oo jimicsi ah maalin walba uu barataaray koror xagga cimriga ah qaarkii sida gaadhka ah loo eegay oo ay da'doodu gaadhay 85 sano iyo ka badan.

[Buettner] oo in muddo ahba socod ku marayey dunida islamarkaana ku foogganaa howlahan ayaa qaba in aysan habboonayn ku talax-tagga socodkaa iyo in aad daaliso lafahaaga tan iyo inta aad xanuun lafa-jebis ah dareento, tu kolka dambe dhibaato hollisa gaadhsiin doonta jilbaha iyo xidhiidhada kale.

KA FAA'IIDAYSO.

Si aad u gaadho awoodaada ugu saraysa islamarkaana aad ogaga faa'iidaysato socodkaaga.

  1. Socodka saacad maalin walba, ayaa iyadna ah tu aad si sahlan u gudan karto, oo keliya dooro goob 30 daqiiqo u jirta halka aad degan tahay, kadibna bartaa aad astaysatay socod cagtu furan tahay ku gaar kadibna ku soo noqo halkii aad kolkii horeba ka bilowday. Haddii ay tani kugu adkaato, kol kol iska dhig gaadhiga gaadh ahaan xilliga fasaxa todobaadka.
  2. Rucle 25 ilaa 45 daqiiqo ah laba maalmood oo kasta iyo laba saacadood oo xilliga fasaxa todobaadka ah , daraasad gaadh ah ayaa lagu ogaaday in tabtani ay 75kun oo qof oo caado ka dhigtay muddo 7 sanadood ah uu culayskoodii hoos u dhac weyni ku yimid kolka lagu daro in ay ka badbaadeen lafahoodii oo huf iyo hal aan jirin ku intahooda.

ADEEGSO MURQAHAAGA.

Halka dadku xilliyadii hore uu si joogta ah u adeegsan jiray murqihiisa, socodka, orodka, geedo iyo buuro fuulka, imika intiiba la tuur, oo weliba si joogta ah loo adeegsadaa jaranjarooyin, is-xambaare koronto ku shaqaynaya, gaadhi halkii uu socon lahaa, kolka lagu daro dharkii iyo suxuuntii oo loo adeegsado makiinado loo qaabeeyey howshaa.

Imika waxaa la soo gaadhay xilligii aad adeegsan lahayd muruq walba oo jirkaaga ah si joogta ah, waayo murquhu waxa ay ku koraan adeegsiga awoodooda iyo dhinactan kasta oo ka dhan ah iyagaa.

  1. Soco adiga oo caga-cad; tani tu la yaab leh ayeey u muuqataa! Walow daraasado dhow ah lagu ogaaday in socodkaa aad caga-caddaan isu taagtay uu in badan caawinayo dhaqdhaqaaqa korontada ee maskaxda.
  2. Hubi in socodkaagu habban yahay; Kadib kolka aad xidhato kaba ku habboon socodka, cagaha dhulka ku xaji oo xagga hore u santeecso gacanta iyo lugtuna ah wada dhaqaaqaan.
  3. Kol walba maanka ku hay in socodku haba kugu yaraadee uu ka wanaagsan yahay socod la'aan; Isku day in aad ugu yaraan toban daqiiqo socoto maalin walba, tani waxa ay dhaantaa socod la'aan.

GABAGABO

Inta badan culimada quudku waxa ay ku taliyaan "Haddii aadan si joogta u socon karin, socodkaagu ha noqdo ugu yaraan 15 daqiiqo maalin walba; Walow Dugsiga Caafimaadka ee HARVARD uu ku taliyey in socodkaagu uu noqdo 15 daqiiqo ilaa 30 daqiiqo, ama 60 daqiiqo todobaad walba.

Info; News Agencies + Saxadoon | Photo; Google

HA FUDUDAYSAN!

Haddii aad aragto calaamadahan ha fududeysan, waxa ay astaan xilli hore ah u yihiin in aad u dagan tahay cudurka halista ah ee #Kansar-ka, ogoow kol walba oo aad u howl gasho!!

HOOYO KU DAYASHO MUDAN

[Dr. Hidaya Abdi Elmi, DDS. Waxa ay ka qalin-jebisay University of Minesota, School of Dentistry;!! .