Editor's note: Barnaamijyo cilmi-baadhiseed ay dhamaantood hagayaan khubaro aqoon gaadh ah u leh cilmiga sumoowga iyo hal-abuurka dawada, iyagu waxa ay si loo qaateen ah u horqaban doonaan nooc walba oo summoow ah ee bulshada dhibaato ku haya.

NALA AQRI QORMADAN
  • [Elmi’s Medical Encyclopedia] waa Qaamuus aqooneed mug leh oo la xidhiidha cilmiga daawada ama daawaynta xanuunnada.
  • Qaamuus aqooneedkan caafimaadku waa mid si weyn loogu jeellanaa helitaankiisa. Waayo, waxa baahi weyn loo qabaa fahamka caafimaadka iyo xanuunka.
  • Dr. Cilmi wuxuu aad ugu dedaalay inta karaankiisa ah inuu turxaanbixiyo Qaamuus aqooneedkan sayniska caafimaadka. Guji

[Research]-ku ka dhigan hal-abuur iyo howl qaabaysan tiiyoo loo jeedo in qayb ahaan lagu biidhiyo kaydka aqoonta; Waxaa qayb ahan lagu tiriyaa [collection] xirmo xul ah, si taxadar leh la isu-duway iyo taxliilka mcluumaad intii la isu soo uruurshay. Intaba looga golleeyahay garashada qadiyad ama mowduuc la doonayo in si dhow looga gungaadho.

Cilmi-baadhistaasi waxa ay noqon kartaa howl horay loogu gacan qaaday oo kolkaa aysan kuu furnayn wax aan ka daba-tag iyo biidhin ahayn, iyadii oo aad si dhow u eegayso ama adeegsanayso tubta taa loo maro ee agabkii la adeegsaday [instruments], dariqadii loo maray [procedures], ama intii fal [experiments] loo adeegsaday taa; tu iyadna muhim ah ayaa lagu sheegaa kolka aad isu qaado cilmi-baadhis howsheeda lagaaga horeeyey in aad qayb un ku kordhiso howshaa ama aad iyadii oo idil dib u falkiso.

Ujeedada udub dhexaadka u ah dhamaan cilmibaadhisyadaa ayaa lagu tilmaamaa tiiyoo loo jeedo [applied research], oo un sida badan lagu uruuriyo hal-abuurka keyd loo qaateen ah oo xagga maadada ah [documentation], Ka jiba-gaadhidda walax un [discovery], macna u helida qadiyad un kuwaa daaliyey maankii aadahana iyadii oo aan loo eegaynin halka ay maadadaasi ku sal leedahay sida caafimaadka, culuumta casriga ah, iwm.

Iyadii oo aysan fara-yarayn maadooyinka loo adeegsado cilmibaadhisyada noocaas ah ayaa hadana si yar loogu tilmaami karaa culuumta guud [scientific], tan la xidhidha aadanaha [humanities], farsamada [artistic], dhaqaalaha [economic], Arimaha bulshada [social], ganacsiga [business], suuq-geynta [marketing], cilmi-baadhisyada u gaadhka ah xirfad gaadh ah, ama si gooni ah u qusaysa barnaamijyada waxbarashada [practitioner research], noolaha [life], iyo [technological], walow tan daraasada culuumta guud u gaadhka ah loogu yeedho [meta-research].

U GAAR AH SARS-CoV-2 [COVID19]
Dr. Yasin Abdi, DBMS, MSC, BSC, CSCI, FIBMS
[London, United Kingdom]

Qaybo badan oo cilmi-baadhisyadaa ah ayaa iyadna aan looga maarmi doonin [References], haddii kolkaa aysan ahayn mid uu isagu cilmi-baadhahaa iskii isugu taagay, oo ay walxahaa cusub ee uu la yimid ay tahay mid u gaadh ahayd isaga oo uu u soo taagnaa

[References]-yadaa Kol walba oo aad isu qaado in aad qormo un isu duwdo; Sida, [book], [periodical] ama tan loo badan yahay maanta ee sii raacinta macluuumaadka farriin danab sidayaasha ayaa ay tahay in aad dhoosha ka caddaysaa halkii aad macluumaadkaa ka soo [reference] waariday kiiyoo sida qoran loo qaybiyo

  1. [primary]-ga oo qoraagu isagu soo bandhigayo aragtidiisa, iyadii oo aan loo eegaynin halka ay ku xidhiidhsan tahay; Sida, [case study], [experiment], iyo [clinical observations]; iyo

  2. [secondary] qoraagu soo bandhigaa aragtida aqoon yahanka kale; Sida, [research] iyo dib u falanqaynta [literature]-da.

Tu ka dhigi doonta qormooyinkaa kuwa loo qaateen ah xagga bilicda, halka ay si dhan u barataari doonto iimaanta ay kuwa kale ku qabi karaan howshii aad isu taagtay; Intaba loo adeegsaday [Cilmi-baadhisyadeena] qaab-raadraaca la xusay, In badan oo uu qoraagu qudhiisu u soo taagnaa iyo in kale oo lagu daray oo uu ragga aqoonta ka soo waariday;

Intaa aannu soo tilmaanay ee la xidhiidha cilmibaadhisyadaa ayaa looga golleeyahay horumarinta aqoonta aadanaha, halka ay kol walba ku xidhan tahay tubta [epistemologies]-ga ee loo qaaday taa.

OUR RESEARCH;

Cilmi-baadhista ay imika aqoon-yahanka [Saxadoon] ku taagan yihiin ayaa ka dhigan tu lagu badbaadinayo bulshada Soomaaliyeed ee miyi iyo magaalaba, iyagii oo si xooggan u daba-taagan cilmi-baadhisyada lagu ogaanayo dhibaatada uu sumowgu ku hayo bulshadeena gaadh ahaan [Toxic Chemicals]-ka iyo [Snake Venom]-ka.

Title;-ka

  1. Toxic and Chemicals in the Environment and its
    impact to the community health.

Info; #Our Research Team | Photo; Saxadoon.

Nala Eeg

LEAVE A REPLY