Editor's note: Qadiyadu imika inta ay intiiba ka soo gudubtay ayaa ay [Microsoft] gafuurka ku qaadatay, kadib kolkii ay ku dhawaaqeen todobaadkii la soo dhaafay in ay si dhow ula shaqayn doonaan [OpenAI] oo ay xagga dambe kaga xidhi doonto baadhe cusub oo ay [Microsoft] yeelan

NALA AQRI QORMADAN
  • [Elmi’s Medical Encyclopedia] waa Qaamuus aqooneed mug leh oo la xidhiidha cilmiga daawada ama daawaynta xanuunnada.
  • Qaamuus aqooneedkan caafimaadku waa mid si weyn loogu jeellanaa helitaankiisa. Waayo, waxa baahi weyn loo qabaa fahamka caafimaadka iyo xanuunka.
  • Dr. Cilmi wuxuu aad ugu dedaalay inta karaankiisa ah inuu turxaanbixiyo Qaamuus aqooneedkan sayniska caafimaadka. Guji

Iyadii oo dunidii oo dhami ay u badatay oo keliya agab un si si un loo salaaxo oo kolkaa dantaad dooniba lahoow ee aad daqiiqad kaga bogato salaaxaa, ayaa ay daf ina soo tidhi tan dunidu u taqaan maanta [AI]-da Garaadka Macmalka ah, tu dharbaaxo xooggan ku noqotay shirkadihii technology-ga casriga ah horgalka u ahaaa sida google oo imika go'aan ku gaadhay in ay dib ugu yeerato rug-cadaagii halkaa ooli jiray ee uu dhamaaday xilligii cimrigoodu u ogolaa in ay shaqeeyaan.

Qisadii ummadda oo dhami ay la yaabtay ee faraha lagaga gubtay ayaa ahayd kolkii ugu horraysay ee uu barnaamijka [ChatGPT]-gu libdhada u daahirtay, goortaas oo ay google iyadna ka falceliskii ay isu taagtay ay la soo shir tagtay barnaamij ay ugu magac dartay [CodeRed], ragga intaaba sida joogtada ah ugu raad jooga ayaa tilmaamay in ay tani tilmaamayso halka xaal marayo iyo sida ay howshani u adag tahay.

Google oo imika uu godkeedii biyo ugu galay ayaa isu taagtay in ay xoogga saarto [AI]-da Garaadka Macmalka ah, iyagu goor dhawayd un bay si halhaleel ah ugu dhawaaqeen barnaamij ay isku hortaagayaan barnaamijkii [OpenAI] ee [ChatGPT]-ga, [Bard] oo aan imikaba si wanaagsan loogu dagaal tegi karin ayaa ay waqti yar un kadib ka daba keeneen, waxa ay ku sheegeen in uu ku saas-xidhan yahay barnaamijka caanka ah ee [LaMDA] ee baashaalka.

U GAAR AH SARS-CoV-2 [COVID19]
Dr. Yasin Abdi, DBMS, MSC, BSC, CSCI, FIBMS
[London, United Kingdom]

[LaMDA]-da oo imika ugu xooggan tan ay adeegsadaan Google ayaa ay kolkii ugu horaysay libdhadu u daahirtay 2021, ka dhigan barnaamij u shaqeeya sida [AI]-da Garaadka Macmalka ah shaqadiisuna tahay eegida iyo kala huffidda hadalka dadka, judhiiba gartaa amar walba oo aad siiso, nuqul si wanaagsan loo geg-tiray ayaa lagaga dhawaaqay xarunta Google.

Qadiyadu imika inta ay intiiba ka soo gudubtay ayaa ay [Microsoft] gafuurka ku qaadatay, kadib kolkii ay ku dhawaaqeen todobaadkii la soo dhaafay in ay si dhow ula shaqayn doonaan [OpenAI] oo ay xagga dambe kaga xidhi doonto baadhe cusub oo ay [Microsoft] yeelan doonto oo isagu loo gaadh yeelay [AI] Garaadka Macmalka ah, tiiyoo ay ku dhiiradeen in ay la dhawaaqaan in uu ka xoog badan yahay [ChatGPT]-ga.

Hadaba bal aynu in yar dib u eegno [AI]-gu Garaadka Macmalka ahi muxuu yahay?

KOBOCA GARAADKA MACMALKA AH

Iyadii oo kolkii horeba lala yaabanaa ama ay adkayd in si hufan oo mug leh loogu helo macne balaadhan oo si dhan u tilmaamaya tan afka qalaad loogu yeedho [artificial intelligence]-ga ayaa ay haddana si aan caadi ahayn kor ugu socotaa kororka iyo kobaca taa! Su'aasha imika sida ugu fog la isu waydiinayo ayaa ah AI-ga miyaa sutida inoo qaban doona mise aadanaha ayaa xakamayn doona oo xad u yeeli doono.

Imika Garaadka macmalka ah [AI]-ga ayaa ay noqotay in wax walba loo adeegsado, ka biloow farshxanka, tafaftirka qoraalada, qaabaynta iyo hal abuurka technology-yada cusub sida gawaadhida, adeegyada hoteelada iyo maqaayadaha, iyo tan ugu halista badan ee caafimaadkii aadanaha sida qalliinka, iwm. Halkee ayuu ku socdaa Garaadkaa macmalka ahi [AI], ma dhici kartaa in uu aadanihii isaga amaamuday uu ka tabar roonaado, oo kolkaa uu sabab u noqdo burbur soo waajaha tii ay habeenno u dhafreen ee ay ilbaxnimada ku sheegeen, tan ay sida badan imika ku soo bandhigaan filimada [IA]-ga cilmiga ah ee maanta.

Waxaa kolkii ugu horraysay Garaadkaa Macmalka ah [IA]-gu libdhadu u daahirtay sanadkii 1956kii, kadib kolkii uu [John McCarthy 1927 - 2011] la dhawaaqay kalfadhigii akadeemiyadeed ee ugu horreeyey ee loo qabto Garaadkaa Macmalka ah oo xilligaaba looga cabsi qabay in uu aadanihii sameeyey orod ku dhaafo, tan iyo goortaa si muuqata oo xallad leh ayaa uu [AI]-gaasu isu soo tarayey heer uu gaadhay maanta in uu aadanihii hal-abuuray uu ku qabsado halkii ay quudka ka raadinayeen.

NOOCYADA UGU CAANSAN

[Deep Learning]; Kan ugu habban adeegsiga tan maanta loo yaqaan [AI]-da, tiiyoo sabab looga dhigay awooda balaadhan ee uu u leeyahay, hal aburka iyo saamaynta ugu badan ee aaladaa maanta, gaadh ahaan tan sida goonida ah u quseysa xadhkaha isku qoofalan ee sida adag isugu xidhan ee suurageliya in ay qaadaan fariimaha loo sii mariyo sababta hana qaadka Garaadka Macmalka ah.

[Machine Learning]; Kan ugu caansan agabkaa casriga ah gaadh ahaan [AI]-da kolka si guud loo tilmaamo,waayo waxa uu u horseedaa agabkaa in uu awood u yeesho garashada macluumaadkaa lagu kaydiyo, tu suuragelin doonta qaadashada go'aanadii ay ahayd in uu fal u bedelo kadib macluumaadkii lagu kaydiyey, horukaca tan ayaa sabab looga dhigay kacaankii internet-ka iyo macluumaadka iska batay ee lagu xareeyey [Big Data].

[Robotics]; U gaadh ah technology-ada nooc gooni ah ee Garaadkaa Macmalka ah [AI], si habban ugu xidhiidhisaa noocyada kala duwan ee [Mechanical engineering]-ka computer-ka, iyo korontada si ay [Robot]-yadu awood ugu yeeshaan u fekirka iyo dhaqaaqa aadanaha oo kale, [Robot]-yadan oo si xooggan isu soo taraya ayaa ay suuragal tahay in ay meel weyn ogaga soo baxaan nolosha cusub ee maanta.

[ChatGPT] OO LAGA CABSADAY.

[OpenAI] oo ah shirkad si gooni ah loo leeyahay ayaa kolkii ugu horreysay 2022kii daaha ka rogtay Robot sida ay sheegtay ay ugu tala gashay baashaal, mar keliya ayaa lagu hoobtay jeer ay shan cisho oo keliya ay isu diiwaan geliyeen malaayiin qof, tu sababta lagu sheegay ashqaalka uu Robot-kaasi isu taagayo oo cajab leh, kaaga daranta si toos ah ayuu kuula sheekaysanayaa isagii oo su'aal walba oo aad waydiiso jawaabta diyaar kuula ah, tan kale ee aadka looga yaabay ayaa iyadna lagu sheegay in uu awood buuxda u leeyahay hal-abuurka kutubta, soo gudbinta talo iyo tusaale hadba intii loo baahdo; Oo weliba ay dhacdaa marar badan in uu cududaar ka bixinayo in walba oo marin qaldan kugu hago.

[ChatGPT] oo guux xooggan oo xagga dhaqtanka technology-ga casriga ah abuuuray ayaa ay ugu darnayd kolkii [Alphabet Inc] milkiilayaasha Google ay cabsi xooggan ka muujiyeen xowliga uu barnaamijkaasi ku socdo, tan ayaa sababtay in ay amaamudan tu ay ugu magac dareen Astaha Cas [CodeRED], tu tilmaan u noqotay heerka cabsidoodu gaadhsiisan tahay, iyo Robot-ka [ChatGPT] oo asxaab baahsan ku yeeshay Garaadka Macmilka ah [AI] ee maanta.

Intaba waxaa meel fadhiiso yidhi in Robot-kaa [ChatGPT] cabsida laga qabo ay qolyaha Waxbarashada ka dhigtay in ay ka xayiraan xarumahaa iyagii oo ogaga shakiyey in uu noqdo agab lagu qisho imtixaanka xarumaha waxbarashada ee Magaalada New York.

HAL-ABUURKA MUUSIGA IYO DHARKA.

Sida badan sawirka, muusiga iyo hal-abuurka hu' kan ugu wanaagsan ayaa intuba ay astaan u yihiin aragtida iyo amaamudka aadanaha, walow ay adag tahay in mar un ay maankayaga daf tidhaah sida maanta xaal yahay iyo in tan cusub ee Garaadka Macmalka ahi [AI]-gu gaadhi doono halka uu maanta gaadhay heer uu ka saramaray kii aadanaha. Imika adigii oo adeegsanaya agabkaa ayaa kaaga filan in inta aad doonayso oo idil aad si hoose ugu sheegto deetana uu isagaa shaqadiisa qabsan doona, isagii oo ay weliba suuragal tahay in uu waxyaabaha qaar kaa saxo, si ay taasi u noqoto tu aad ku libaanto.

CAAFIMAADKA

Caafimaadka ayaa imika ugu badan tan sida ugu badan loogu adeegsado, gaadh ahaan baadhitaanada kansarka, muuqalada ay qaadaan dhuumahaa dhex rooraya aadanaha, doondoonka dawada noocyada ugu hagaagsan, iyo in kale oo lagu daray.

Tan intaba meel fadhiiso tidhi ayaa iyadna lagu sheegay qalliinka, walow aan si buuxda loogaga maarmin howl wadeenada taa u taagan, haddana inta badan qallinadaa waxa isu taaga [Robot]-yadaa ay hagayaan Garaadkaa Macmalka ah ee [AI]-da oo iyagu soo afjara howl ay adkaan lahayd in ay howlwadeenadaa gaadhaan, Shirkadda [Asensus Surgical] ayaa noocyada ugu muhimsan ee agabkaa amaamuda.

Dhanka cilmi-nafsiga ayaan iyadna looga maarmin, tiiyoo ay awood buuxda u leeyihiin kala saarida dadka uu buufisku wax yeelada u gaysatay iyo intii ka badbaaday, tiiyoo uu si sahlan u kala saari karo nooca waxyeelada iyo xasiloonida ruuxaa uu buufisku haleelay, tan intaba ka muhimsan ayaa iyadna ah heerka iyo kororka kol walba ee taa.

XAGGEE INOO WADAA?

Cabsida ugu badan ee laga qabo [AI]-da Garaadka Macmalka ah ayaa lagu sheegay in uu aadanaha shaqada ka boobi doono, iyo in ay noqoto mid si guda-fog loogu xad-gudbo khusuusiyaadka adeegsadaha uu ku xadgudbo, tu intaba ka daran ayaa iyadna noqon karta in loo adeegsado hal-abuurka iyo koboca hub aadanaha tarab-tarab loogu laayo, iyo tan ugu daran dhaqaalihii dunida iyo suuqyadii ugu waawaynaa oo si sahlan af-af ugu hoobta heer ay gaadhaan in cid wax ka qabab kartaa aysan jirin.

Info News Agencies & #SAXADOON | Photo Google

Nala Eeg

LEAVE A REPLY