Editor's note: Cilmibaadhis loo yahay oo lagu doonayey in lagu ogaado dhib iyo dheef waxa talaalka COVID-19-ku u gaysto aadanaha.

NALA AQRI QORMADAN
  • [Elmi’s Medical Encyclopedia] waa Qaamuus aqooneed mug leh oo la xidhiidha cilmiga daawada ama daawaynta xanuunnada.
  • Qaamuus aqooneedkan caafimaadku waa mid si weyn loogu jeellanaa helitaankiisa. Waayo, waxa baahi weyn loo qabaa fahamka caafimaadka iyo xanuunka.
  • Dr. Cilmi wuxuu aad ugu dedaalay inta karaankiisa ah inuu turxaanbixiyo Qaamuus aqooneedkan sayniska caafimaadka. Guji

Iyadii oo ay in badan oo ummadda dunida ku nool ahi ay la ildaran yihiin xaruunkan dunidii oo dhan aafeeyey COVID-19ka, islamarkaana ay iska soo taageen in walba oo lagula tacaalayey sidii loo horqaban lahaa, sida talaalka iyo dhammaan dadaalada loogu jiro is-hortaaga taa, ayaa ay hadana imika un soo baxayaan daraasado hor leh oo tilmaamaya in Talaalka COVID-19ku saamayn weyn ku yeeshay kobaca iyo tayeeynta biyaha ragga.

Sida ay bayaanisay daraasad ay isu taageen khubaro xagga caafimaadka ah ayaa lagu ogaaday in talaalka COVID-19ku uu kobciyo islamarkaana tayeeyo kadhleeyahay biyaha raggu sidaan iyo dhaqdhaqaaqooda, iyo weliba iyadii oo si xooggan loo adkeeyey in uu raad wanaagsan ku yeeshay dhalmada.

Isla daraasadaa ayaa lagu ogaaday in xanuunkan uu ragga iyo dumarku isku si ugu dhaco hadana xarumihii daryeelka ee la isugu geeyey dadkii ay musiibadani ku habsatay ay u badnaayeen ragga, halka saamaynta taa ee dareen-tayeeynta ay un u kala badan yihiin hadba sida ay u kala sareeyaan heerkooda [Testosterone]-ka, gaar ahaan dumarka oo hormoonkooda [Testosterone]-ku ka badan yahay in ka badan 20jibbaar kolka la barbar dhigo ragga, uu ugu saamayn badan yahay tan la xidhiidha tubta loo qaabeeyey in [Enzyme]-ku daf yidhaahdo unugta.

U GAAR AH SARS-CoV-2 [COVID19]
Dr. Yasin Abdi, DBMS, MSC, BSC, CSCI, FIBMS
[London, United Kingdom]

Kawaadirtaasi waxa ay ku warrameen in duwaha [Enzyme]-ka loo yaqaan [Angiotensin 2] ee isagu ku sidkan xubnaha qaar sida kelyaha, xaniinta, kaadi haysta, intuba saamayn weyn ayuu ku yeeshay COVID-19-ku sida ay saamayn xoogani ugu yeelatay talaalkii kolkii lala beegsaday ruxaa qaba cudurka.

Waxa ay ku dhiirradeen in ay yidhaahdaan "Waxa uu isbedel weyn ku samaynayaa COVID-19-ku unugyada kadhleeyaha ay sidaan biyaha raggu, xaniinta, iyo [Testosterone]-ka, tiiyoo uu si weyn hoos ugu dhigayo xajmiga kadhleeyahaa tiradii iyo tayadii uu lahaa ka hor inta uusan ku habsan cudurkaa, halka uu si weyn hoos u dhac ba'ani ugu imanayo tayadii uu lahaa [Testosterone]-ka.

Daraasado kale oo iyaguna lagu sameeyey Jaamacadda Istanbuul ayaa lagu ogaaday hoos u dhacaa xooggan ee kadhleeyaha raggu u gaysanayo COVID-19-ku kaba sokoowba uu iyadna sababo madhalaysnimo, iyo khalal xagga qaabka taranka aadanaha.

Kolka la isu geeyo dhammaan daraasadahaa ayaa been abuur iyo wax kama jiraan ku tilmaamay in talaalku uu sababta koowaad u yahay ma dhalaysnimo la soo gudboonaata bukaanka, tiiyoo ay far-fiiqeen in daraasaddaa ay imika isu taageen ay sababteedu ahayd un sidii wax looga ogaan lahaa waxa ka jiraa taa oo in muddo ahba la isla dhex marayey.

Info News Agencies & #SAXADOON | Photo Google

Nala Eeg

LEAVE A REPLY